Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland in ay taageero siinayaan Al-shabaabka ku jira Buuraha Gobolka Sanaag,kaddib markii shalay Ciidamada labada dhinac ay ku dagaallameen degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaasheegay in Somaliland weerarka ay ku qabsatay degaanka Tukaraq uu micnihiisu yahay in ay taageerayaan Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay dagaal kula jirto AL-shabaab hayeeshee dagaalka Somaliland ku qabsatay Tukaraq uu yahay mid Somaliland ay ku garabsiineyso xarakada Al-shabaab.
Dhinaca Maamulka Somaliland Wasiirka warfaafinta oo isna ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay Tukaraq ayaa sheegay in Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ay colaad ka hurinayaan Gobolka Sool.
Waxaa uu xusay in Wasiirka Qorsheynta Federaalka iyo Wasiirka amniga Maamulka Puntland ay booqasho ku tageen degmooyinka Dhahar iyo Badhan halkaasna ka jeediyeen khudbado uu ku sheegay kicin dadweyne.