JOWHAR : Wariye Shaashaa oo Xabsiga laga sii daayay

0

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Sh.Dhexe ayaa maanta dib usiiyay xoriyadiisa Wariye C/Shakuur C/llaahi Axmed (Shaashaa) oo ku xirnaa Saldhiga Booliska Sh.Dhexe.

Wariyaha ayaa Gacanta Booliska ku jiray 11 maalmood, waxaana sii deyntiisa kaalin ka qaatay Xildhibaanada Hirshabelle iyo xubno kamid ah Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, Wariye Shaashaa ayaa qeyb ka ah Tiro Wariyayaal ah oo maalinimada beri ah NUSOJ Tababar ugu qabaneyso Magaalada Jowhar.

Wariyaha ayaa maalin ka hor Taliyaha Booliska Sh.Dhexe ku eedeeyay inuu lunsaday lacago loogu talagalay dadkii ku waaay ehelkooda Qarixii Muqdisho ka dhacay 14-kii October 2017, Waxeyna Booliska warbaahinta usoo bandhigeen Cadeymo ay sheegeen iney muujinayaan lacago la Musuq Maasuqay.

Wariye Shaashaa oo Agaasime ka ah Idaacada City FM ayaa la sheegay inuu haatan Shuruud la’aan banaanka ku joogo, si faahaahsanna looma soo bandhigin sida ay ku timid sii deynta Wariyaha.