Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta guda galaya kulamo uu la leeyahay Qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Magaalada Dhuusa Mareeb.
Waxaa jiray kulamo gaar-gaar ah uu tan iyo xalay Madaxweyne Farmaajo la qaadanaye Madaxda Galmudug iyo Ahlu sunna, waxayna wararku sheegayaan in ay kaga arrinsanayeen qorshaha Cadaado loogu soo guurayo.
Odoyaasha dhaqanka iyo madaxda kasoo jeeda Magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa in mudnaan lagu siiyo marti gelinta Maamulka Galmudug, oo ay sabab u noqdeen in uu gaaro halka uu maanta taagan yahay.
Maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Dhuusa Mareeb iyo Cadaado oo safarkiisa ku wehliyey, si ay u qaataan go’aanka Maamulka Galmudug uu kusoo degayo Magaalada Dhuusa Mareeb.
Xildhibaanada labada aqal ee dalka kana soo Jeeda Dhuusa Mareeb iyo Cadaado ayaa Goob joog ka noqonaya kulanka sida qorshuhu yahay.