Ka dib markii Magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay xaflad lagu dhameystiraayay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ku wada gaareen dalka Jabuuti, ayaa waxaa laga diiday Magaalada Cadaado.
Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta reer Cadaado oo maalmahaanba ka biyo diidanaa in la dhaqangeliyo heshiiskaasi, iyadoo aan dib u eegis lagu samaynin, ayaa waxay soo saareen war saxaafadeed ay ku naqdinayaan dhameystirka heshiiskaasi.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Cadaado, ayaa heshiiskaasi kol hore ku tilmaamay mid aan la aqali karin, iyagoo ku sababeynaaya inuu khilaafsan yahay Dastuurka Galmudug.
War saxaaadeedka, ayaa lagu sheegay inay xiran yihiin xuduudaha deegaanada ay degto Beesha Cadaado, isla-markaana aan loo ogolayn dhaqdhaqaaq siyaasadeed, illaa laga gaarayo heshiis ay ku mideysan yihiin reer Galmudug.
Sidoo kale war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in amniga deegaanadaasi ay ka masuul yihiin maamulada ka jira.
Waxaa kaloo war saxaafadeedkan lagu cadeeyay inaanu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) cagta soo dhigi karin deegaanada Beesha Cadaado, laga bilaabo maanta.
Ugu dambeen Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa loogu baaqay inaanay Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka 1aad Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ula macaamilin inay yihiin hoggaanka Galmudug.
War saxaafadeedkan, ayaa wuxuu daba socdaa bannaanbax maanta ka dhacay Magaalada Cadaado, oo looga soo horjeeday heshiiska uu dhameystirkiisa ka qabsoomay Dhuusamareeb.
War saxaafadeedka ay soo saareen reer Cadaado, ayaa waxaa Warbaahina u akhriyay Qaasim Maxamuud.