Maamulka Galmudug, ayaa ballanqaaday inay wax ka qabanayan cabashada ay dadka reer Cadaado ka keenayn, isla-markaana ay ku diideen heshiiskii, ay dhawaan Galmudug la gaartay Maamulka Ahlu Sunna.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), ayaa sheegay in Galmudug ay la xaali doonto dadka reer Cadaado, si loo helo Galmudug oo mideysan.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo la hadlay BBC, ayaa sheegay markasta oo heshiis la gaaro ay khasab tahay inay soo baxaan dad saluugsan heshiiskaasi, dadka hadda cabanaayana ay la socdaan cabashadooda.
“Mar walba oo heshiis yimaado waxaa khasab ah dadka qaar inay cabasho ka keenaan. Dadka hadda cabanaaya waan oganahay, waana ka warqabnaa waxa ay ka cabanayan, waana isu deynay in wax laga qabto, laakiin weli sidii la rabay ma noqonin.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.
Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa intaa ku daray in heshiiska uu hadda uun bilow yahay, isla-markaana aan laga taggi doonin kaalinta reer Cadaado kaga aadan heshiiskaasi.
“Mar walba maaha in laga gudbaayo, laga tagaayo amaba laga tashanaayo, maxaa yeelay talladii, hawshii iyo wixii oo dhan hadda ayay bilaabanaysaa, qaybtooda ayayna ku leeyihiin, waana khasab waxay tabanayaan in la xaliyo, sababtoo ah Galmudug ma kala maaranto, hadda waxaan keenay dhinac, in dhinacyo kale laga taggana macquul maaha.” Ayuu yiri Carabey.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Cadaado, ayaa heshiiskaasi kol hore ku tilmaamay mid aan la aqali karin, iyagoona sababta ku sheegay inuu khilaafsan yahay Dastuurka Galmudug.