Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, markii ugu horeysay.
Madaxweynaha Somaliya iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo, ayaa tan iyo Talaadadii ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyagoona kaga qaybgalay dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna, bishii hore ku wada gaareen dalka Jabuuti.
Madaxweynaha, ayaa la fillaya in Magaalada Guriceel uu kula kulmo Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenkaba, si uu ugu dhiirageliyo la shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa dadka reer Guriceel ugu yeeri doono inay ka qayb qaataan, sidii Ururka Al Shabaab looga xorayn lahaa deegaanada ka maqan gacanta Galmudug.
Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in la adkeeyay oo la xoojiyay amniga Magaalada Guriceel, isla-markaana ay dadku u diyaargarowbeen soo dhawaynta wafdiga Madaxweynaha.
Haddii uu maanta Madaxweynuhu gaaro Magaalada Guriceel waxay noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu ku taggo magaaladaasi, tan iyo markii uu xafiiska qabtay.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa lagu wadaa in Guriceel uu uga sii gudbo Degmooyinka Balanbal iyo Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.