Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday nin maxbuus ahaa oo lagu dhex xiray Kunteenar, kadib markii Saraakiisha Xabsiga ay u galiyeen halkaasi inay ku ciqaabaan.
Ninkan Kunteenarka ku dhex dhintay, ayaa shalay galab waxa ay kubbad ku wada ciyaarayeen xabsiga gudihiisa dhalinyaro kale, balse mid ka mid ah dhalinyarada ayeey isku gacan qaadeen, waxaana taasi ay sababtay in ciqaab ahaan loogu xiro Kunteenarka.
Xasan Maxamuud Xasan oo ah wiilka Kunteenarka lagu xiray ayaa ku neef qabin toobay Kunteenarka dhexdiisa, waxayna taasi sababtay inuu halkaasi ku geeriyoodo sida ay xaqiijiyeen ehelada Wiilka dhintay.
Wiilka dhintay oo la soo xiray sanadkii 2014-kii ayaa ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana lagu riday xukun sanado ah oo uu xabsiga ku qaatay, walina u dhinaa.
Maydka Marxuumka ayaa wuxuu yaallaa xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la aaso.
Ninkaan ayaa waxaa laga soo qabtay Degmada Hawlwadaag, sanadkii 2014-kii waxaana maxkamadda ay ku xukuntay xukun sanado ah, kadib markii loo soo jeediyay eeda ah inuu Shabaab ahaa.
Saraakiisha xabsiga dhexe ee Xamar wali kama aysan hadlin ninkaan ku dhex dhintay Xabsiga dhexe ee Xamar.