Faysal Cali Waraabe oo Muuse Biixi ku Eedeyay Sicir barar ka jira Somali-land

0

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi ay ka mashquuleen wax ka qabashada Sicir barar ka jira Deegaanada Maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay ku mashquuleen Qeybsiga iyo bixinta Xilalka Maamulkaasi, taasine ay ka dhalatay dayacaadda Dhibaatada jirta.

Marar badan ayuu tibaaxay in uu u sheegay wax ka qabashada dhibaatooyinkaan ay ugu weyn tahay Sicir Bararka iyo Abaaraha ka jira Deegaanada Somaliland.

Maxamed Xaashi Cimi Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland ayaa dhibaatada dhaqaale ee deegaanadaa ka jirta ku sheegay in ay sabab u tahay hoos udhac ku yimid wax soo saarta Somaliland, taa badalkeedka ay Xoogga Saareen waxyaabaha dibadda laga keeno.

Max’ed ayaa dalbaday in dhibaatadaan ay hadda leedahay dabaqabad, balse hadii laga dhega fureyso uu xaalku gaari dooni meel aanan waxba looga qaban karin sida uu hadalka u dhigay.

Sicir barar dhanka lacagta ah ayaa ka jira Deegaanada Somaliland, waxaana Sara u kacay lacagta Doolar qiimihii lagu sarifi jiray.