Saraakiil Ajaanib ah oo baareysa dilka loo gaystay Shaqaalaha Ajnabiga UNICEF

0

Saraakiil Cadaan ah oo ku sugan Xarunta ciidamada Midowga Afrika Amisom ee Xalane, ayaa baaris waxa ay ku hayaan sababta loo dilay nin Ajnabi ah oo la shaqeynaayay Hay’adda UNICEF xafiis ay ku leedahay Degmada Wadajir.

Ninkan u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa dilay nin Waardiye ahaa, kadib markii sida la sheegay ay wada murmeen oo ay wax isku qabteen, kadibna uu rasaas la dhacay ninka Waardiyaha ruuxa Ajnabiga ah.

Ciidamada Amisom iyo Saraakiil Cadaan ah oo shalay galab maydka ruuxa la dilay ka soo qaaday Xarunta UNICEF ee Degmada Wadajir, ayaa waxa ay geeyeen maydka xarunta Xalane, halkaasi oo lagu baarayo.

Ninka falka dilka ah gaystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, kadib dilka uu u gaystay ninkaasi u dhashay dalka Uganda, waxaana la sheegay in baadigoob loogu jiro ninkaasi.

Ninka Ajnabiga ee la dilay ayaa ka shaqeynaayay qaybta Cunto karinta Hay’adda UNICEF xarunta ay ku leedahay Xafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir.

Waa dilkii ugu horeeyay ee noociisa oo ka dhaco Xarunta Hay’addan ay ku leedahay Degmada Wadajir, iyadoo Shaqaalihii kale ee Ajaanibta halkaasi laga saaray oo la geeyay Xarunta Xalane.