Xisbiga Wadani oo Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey in Dhaqaale ka jartay Abwaan Baarleex.

0

Mas’uuliyiin katirsan Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo Hoygiisa ugu tagay Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex oo Xanuunsanaya ayaa sheegay in dhaqaalihii Maamulka Soomaaliland ay siin jireen abwaanka in laga jaray.

Sababaha Lacagta looga jaray ayee ku sheegeen in uu katirsan yahay Ururka Wadani sida ay hadalka u dhigeen, waxayna Nasiib darro ku tilmaameen go’aankaasi iyo amarkaba cidda Bixisay.

Fanaaniinta iyo Abwaaniinta ayee sheegeen in aysan dhinac u Xaglin ama aysan la jirin, loona baahan yahay ka fikirka Siyaasadda iyo Tallaabooyinka loo Qaadayo.

Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ayaa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday in uu u sinnaado guud ahaan Bulshada Maamulkaasi, Maadaama xilka uu isagu hayo.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa sheegay in Caafimaad Dibadda ah loo qaadayo Abwaan Baarleex, Waxa uuna Taageerayaasha Xisbigiisa ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Gurmadka Caafimaad ee loo fidinayo.

Waxa uu Sheegay in Door muhiim ah ay ka qaataan Dhismaha maamulka Abwaaniinta oo inta badan ka qeyb qaata Wacyi gelinta Bulshada loo sameynayo.

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex ayaa la xanuunsanaya Xanuun dhanka wadnaha ah, waxayna Dhaqaatiirta ka howlgasha Deegaanada Soomaaliland ay sheegeen in uu u baahan yahay Caafimaad Dibadda ah.