Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo ka Socda magaalada Jowhar.

0

Kulan wadatashi ah oo looga hadlay dib u eegista Dastuurka ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo kulankan uu ka mid ahaa kulamada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ku qabaneyso xarumaha dowlad goboleedka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dastiirka C/raxmaan Xoosh Jibriil, Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ee labada Gole ee Baarlamaanka iyo Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad uu yahay kulankan, isla markaana uu ka mid yahay kulamada looga hadlayo arrimaha dib u eegista Dastuurka.

“Runtii maanta muhiimad gaar ah ayay noo leedahay inaan kulankan la yeelanno Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle, Wasaaradda iyo Guddiyada ay wadashaqeeyaan waxa ay ku heshiiyeen in Dawlad Goboleedyada laga talageliyo Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Wasaaradda waxa ay mar horeba bilawday wadatashiyadan iyada oo gaarsiisay qaar kamid ah Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, Gudoomiyayaasha Guddiyada Dastuurka ayaa ka codsadeen Wasiirada Hirshabeelle in ay talooyinkooda ay soo jeediyaan.

Dhanka kale, Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo dhoweeyay kulankan, isagoo xusay in talooyinka la xiriira arrimaha dib u eegista Dastuurka ay muhiim tahay in la gaarsiiyo min degmo illaa Tuulo, si fikirka ay qabaan dadweynaha ay ka dhiibtaan dastuurka.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka mahadnaqay niyad wanaagga iyo soo dhoweynta Kusimaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda Hirshabeelle ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Jowhar.