R/wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay wadooyinka xiran ee Muqdisho

1

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay furaan wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uusan amni sugin Dhagax, balse keliya amniga lagu sugi karo Sharci, Aqoon iyo Ciidan, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah, oo lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqooda.

Sidoo kale Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Dowladdii hore ay saacado badan xiran jirtay wadooyinka marka ay marayaan Madaxda, balse wuxuu tilmaamay in Dowladdan aysan sidaas aheyn oo waqti kooban keliya ay xirto wadada, iyada oo u daneyneysa shacabka.

“Waxaan ku darayaa jidadka go’an ee bulshada ay ciqaabta u heysato in la furo, Dhagx jid lagu xir xiray amni ma sugee, balse amni waxaa suga Aqoon, Sharci iyo Ciidan, waayahan dambe waxaan arkaa waxbaa iska bedelay Dowladdan cusub sida ay u timid, Sideed Saacadood, Lix saacadood ayaa maqli jiray jidad xiran ee la leeyahay Madaxdii ayaa baxeysa, balse hada qodobkaas waaa laga reystay, Labaatan Daqiiqo ayaa Madaxweyne marayaa wadada waala yaqaanaa”. Ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa Muqdisho Eng. Yariisow.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay wadooyinka waqtiyada badan la xirayo ee la leeyahay Madaxda ayaa mareysa in ay tahay cuuryaamin lagu sameynayo shaqada shacabka, taas bedelkeeda wuxuu Mamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday in ay wax ka bedelaan nidaamkaas.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya dhaqamada sanadihii dambe ku soo kordhay ayaa ah wado hada iyadoo furan shacabka isticmaalayeen mar kaliya la arko iyada oo xiran oo gaadiidka loo diidayo, iyadoo aysan ogeyn shacabka sababta wadada loo xiray.

Comments are closed.