TOP DHAGEYSO : Sanbaloolshe Oo Sharaxay Qaabkii Xilka Looga Qaaday ?

0

Taliyahii hore ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee soomaaliya (NISA) C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, xil ka qaadistiisa iyo sidoo kale qaabkii uu u waayey kursigii golaha shacabka ee uu u tartamay.

Waxaa Sidoo Kale soo hadal qaaday waxa uu kala socday kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa sarkaal katirsana ururuka ONLF kaasi oo dawlada itoobiya loo dhiibay maadaama xiligaasi ahaa
Taliyaha NISA

Dawlada iyo sida ay ula dhaqanto kooxaha ay u aragto mucaardka ayuu khadlay, Kuwaas oo uu ku dhaliilay Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Mar uu soo hadal qaaday qaabka xilka NISA loogu magacaabay ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka helay ballanqaad ahaa in Afar Sano ay wada dhammeysan doonaan, maadaama uu weynayo marka taliye laga dhigo kursigii uu ka hayey golaha shacabka.

Taas bedalkeeda ayuu sheegay in looga baxay balanqaadyadii, islamarkaana loo weeciyey in laga boobo kursigii golaha shacabka ee uu u tartamay.

Ugu Danbeyn ayuu Ka Digay Sanbololshe In Lagu deg dego Xil ka qaadista Madaxda Hay’adaha Sirdoonka ee Dowladda,Maadaama ay Shaqo Adag Dalka U Qabteen, Sir badan oo Dalku Leeyahayna ogyihiin.