DHAGEYSO WAREYSI : Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxyo Ka dhacay Boosaso & Qasaaraha Dhimashada…….

0

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo Baxaysa Maleeshiyo hubeysan oo Xalay weerar ku qaaday saldhiga bartamaha ee Magaalada Bosasaso, iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare Dhaawac Leh.

Weerarka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso.

Seddex askeri oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha Axmad Maxamad Cali (Sanweyne) ayey wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Taliyaha Saldhiga Bartamaha ee Magaaladda Boosaso Yuusuf Axmed Ciise Ayaa AGGM oga Waramay Qasaaraha ka dhashay Weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiga

Wuxuu Qirtay Taliyuhu In Laba Askari ay kaga dhaawacmeen Weerarkii xalay Lagu qaaday Saldhiga Bartamaha Ee Magaaladda Boosaso, wuxuuna sheegay iney baaritaan lagu hayo Arintaasi,

Taliyuhu Mar aan weydiinay In ku xigeenkiisii uu ku dhaawacmay Weerarkaasi ayuu Ka gaabsaday, Mana xusin cid loo qabtay Weerarkii Xalay

Masuuliyadda Weerarkii Xalay Waxaa Sheegtay Xarakada Al-Shabaab, Sida Laga Baahiyay Warbaahinta Afkooda ku Hadasha.

Dhinaca Kalana Jugta Laba qarax ayaa saaka Laga maqlay Magaaladda Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana qaraxyadaan ay ka dhaceen xaafadda Al-Raxma ee Ku Taala Wadada Dheer ee Tagtay Madaxtooyada Boosaso,

Lama Oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaan is xig-xigay, Waxaana Kan labaad lala beegsaday Ciidamada Booliska oo Halkaasi Tagay

DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA SALDHIGA BARTAMAHA :

Kala Soco Faah faahinta ALL-GALGADUUD, Insha Allah