Dowlada oo Sheegtay in sanadkii tagay soomaaliya aanu masuq maasuq ka jirin

0

Dowlada somaaliya ayaa sheegtay in sanadkii tagay ay kaalin weyn ka qaateen LA dagaalanka masuqa,isla markaana aysan ahayn mid rasmi ah warbixintii shalay ka soo baxday hay’ada transparncy international ee lagu sheegay in soomaaliya ay weli safka hore kaga jirto dalalka dunida ugu masuq maasuqa badan.

Hadalkan waxaa ka dhawaajiyey hanti dhowrka guud ee qaranka maxamuud maxamed cali oo qiray in soomaaliya kal hore uu ragaadiyey masuq maasuqa balse ay wax ka qabteen Halkan sano ee ay jirto dolwda farmaajo uu hogaamiyo.

Hanti dhowrka ayaa xusay in hay’ada qiimeyntan sameysay ay wax ka fiiriso meelo badan gaar ahaan sida laaluushka iyo ciqaab la’aanta dadka masuqa lagu helo.

Warbixinta ay hay’adan soo saartay ayey ku xusnayd in soomaaliya ay kaalinta koowaad laga jirto dalalka dunida ee uu masuqu ragaadiyey waxa kaloo warbixinta ka muuqday dalka suudaanta koonfureed.