xafiiska hay’ada QC ay ku leedahay soomaaliya, ayaa waxa ay qaar katirsan isbitaalada ku yaalo caasimada Muqdisho u qeybisay illaa iyo sadax ambalaas, si ay uga caawiyaan xarumaha gargaarka caafimaadeed, sidii ay ugu soo daabuli lahaayeen dhibanayaasha ku wax yeelooba dagaalada iyo qaraxyada ka dhaco caasimada Muqdisho
Xafladda lagu bixinayay ambalaasyada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro, masuuliyeen ka socday safaaradda dowladda Qatar ay ku leedahay soomaaliya, iyo xubno kale oo kakala socday safaaradaha ku yaalo caasimada Muqdisho.
Ambalaasyada ay qeebisay hay’adda QC ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli ay inta badan isbitaalada ku yaalo gudaha dalka aad ugu adag tahay in ay helaan gaadiid ay ugu gurmadaan dhibanayaasha u baahan gargaarka deg dega, kuwaas oo nafsadooda qatar badan ay gasho markii ay waayaan ambalaasyo si deg deg ah u keeno goobaha caafimaadka.
Wasiirka caafimaadka dowladda faderalka soomaaliya “Foosiyo Abiikar Nuur” wasiirka qorsheenta iyo maalgashiga, “Jamaal Maxamed Xassan” kusimaha safiirka safaaradda soomaaliya “Xassan Bin Xamza”, safiirka dalka Turkey “Olgen Becker” xubno katirsan xilibaanada soomaaliya, iyo qaar ka tirsan madaxda isbitaalada mashruucan ka faa’iidaysatay iyo madaxa ugu sareeyo hay’adda QC ayaa ka qayb galay xafladda.
Wasiirka caafimaadka dowladda faderalka soomaaliya “Foosiyo Abiikar Nuur” ayaa ku amaantay doorka ay dowladda Qatar markasta ay ka qaadato caawinaada soomaaliya iyo sida ay waqti walba ugu heelantahay hay’adda QC ay ugu heelantahay dadaalada bini’aadannimo ay u fidiyaan shacabka soomaliyeed.
Wasiirka qorsheenta iyo maalgashiga, “Jamaal Maxamed Xassan” aya dhankiisa amaanay Qatar taageerada iyo dadaalka xooga leh ee u muujiyeen dowladda soomaaliya taas oo sabab u noqotay in ay badbaadiyeen nolosha soomaali farabadan.
Madaxa hay’adda QC xaafiiskeeda soomaaliya “Cabdul-Nuur Xaaji” ayaa asna u mahadceliyay dhamaan dadka reer Qatar si ay ugu heelan yihiin taageerida dadka soomaaliyeed.
Dhamaadka sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii hay’adda QC ay u qaybisay daawooyin iyo qalab caafimaad isbitaalka “Mogadishu City” oo kamid ah isbitaalada ku yaalo caasimada Muqdisho.