Wasaarada deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ee deegaanada gobolka Mudug ayaa sheegtay inay dhibaato xoogleh soo wajahday deegaanadda u dhexeeya Gaalkacyo iyo Bacadweyn ee gobolka Mudug.
Isuduwaha wasaarada deegaanka ee gobolka Mudug Mudane Siciid Maxamed Axmed oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhibaato xoogleh oo jarista dhirta ah lagu hayo inta u dhaxaysa deegaanada aan kor kusoo xusnay.
Mudane Siciid ayaa sidoo kale hay,adaha ku shaqada wax ka qabashadda xaalufka deegaan ee Amniga ugu baaqay inay wax ka qabtaan dadka dhibaatada u gaysanaya deegaanka.