1)Jaalle Siyaad, ayaa 1972 soo saaray sharcigii difaaca badda Soomaaliyeed ee loo yaqiinnay Law No 37, kaas oo sheegayey in Soomaaliya leedahay Bad dheerarkeedu yahay 200NM, sidoo kale 150 NM ayaa Soomaaliya ku lahayd biyaha caalamiga ah. Wadarta guud waxay ahayd 350NM oo Bad ah in Soomaaliya leedahay!. Sharcigaas waxaa dib loo cusbooneysiiyey 1989 bishii Juulaay!.
2)Cabdiraxmaan Cabdi-shakuur wuxuu saxiixay 17-kii Abriil heshiis burinaya kii lambar 37 ee Jaalle Siyaad ku difaacay Baddeenna. Heshiiskaas kadib Soomaaliya waxay yeellan lahayd Bad dheerarkeedu yahay 12NM. Waa 20 sano kadib markii Jaalle Siyaad difaacay Badda, marka Siyaasi Cabdiraxmaan saxiixay heshiiska maanta kiiskiisu yaal maxkamadsa adduunka ee Hague!.
Siyaad Barre waxaa laga dhaxlay Bad iyo Barri Soomaaliyeed, Cabdiraxmaanna Baddii waa gatay, haddana Barrigii ayuu u socdaa!.
W/Q Ali Ahmed Haji Ali