SAWIRRO:-Shabaab oo soo bandhigay ciidamada uga dagaalama Buuraha Galgala

0

Al-Shabaab ayaa Markii ugu horasay waxa ay soo bandhigeen ciidamada uga dagaallama Buuraha Golis ee Gobolka Bari.

Sawirro ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxa ay muujinayaan Ciidamo aad u hubeysan ,kuwaasoo ku sugan meel dhir badan Ama howd ah.

Meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Shabaab ee Buuraha Galgala Gobolka Bari, ayaa waxa ay tahay meel ay adag tahay in si fudud looga saaro, marka la eego buuraha ku hareeraysan iyo sida Saldhigyada Militari ay uga sameysteen.

Shabaab oo Markii ugu horreysay oo ay shaaciyaan Muuqaalada iyo Sawirradda Ciidamadda uga sugan degaanada Puntland ,laakiin waxa ay horay u soo bandhigeen muqaallo ku saabsan Weeraro ay ku qaadeen degaanada Puntland.