wararka inaga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulan aan caadi aheyn la isugu yeeray xubanaha golaha Barlamaanka.
Qorshaha ugu weyn ee maanta Barlamaanka horyaalla ayaa ah in ay ku dhawaaqaan guddoomiye cusub oo Barlamaanku yeelanayo, iyo in ay soo doortaan guddoomiyaha maxkamadda Kilinka Shanaad.
Barlamaanka Dawlad deegaanka ayaa dhawrkii isbuuc ee ina dhaafay waxaa ay yeelanayeen kullamo joogta ah, oo inta lagu meel marinayay isbadallada deegaanka ka socda.