Dib U Dhac Ku Yimid War-Murtiyeedka Shirka Garoowe

0

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa ku warramaya in dib u dhac uu ku yimid War-Murtiyeed la filayay in laga soo saaro shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, kaasoo 3 maalin ee la soo dhaafay ka socday gudaha magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in la’isku fahmi la’yahay qaabka loo dhigayo War-Murtiyeedka.

Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya shirkaasi ayaa lagu soo warramayaa in xalay kulamo gooni goooni ah ay ku yeesheen Garoowe, si ay uga arrinsadaan qodobada la’isku mari la’yahay.

Shirkan oo qaatay muddo 3 cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Jubbaland, K/ Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo marti galineysa kulankaasi.