Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qorsha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.
Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.