XOG:- Ciidamada Galmudug oo Garab ka helaya Kuwa Xooga Dalka oo u Jahaystay Xarardheere Kadib markii shabab ay Halkaasi ka Baxeen

0

Ka dib Markii Ciidamada Alshabaab Markii ay Faarujiyeen Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug, Waxaa soo Baxaya Warar Sheegaya in Ciidamada Galmudug ay uruuqaan sadeen Deegaano Ku Dhaw Xarar-dheere.

Ciidamada Galmudug ayaa La sheegayaa in ay doonayaan in ay La wareegaan Deegaano Hor leh oo ka Tirsan gobalka Mudug.

Dadka Deegaanka ayaa Ka Cabsi qaba in halkaas ay Ka dhacaan Dirir udhaxeeya Alshabaab, iyo ciidamada Amaanka Galmudug.

Arintaan ayaa Timid Xilli shalay Alshabaab ay isaga Baxeen Degmada Xarardheere ee Gobalka mudug Muddo 10 Sana ah oo ay Gacanta ku Hayeen Degmadaasi.