Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen general Cumar dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.
“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku dhintay qaraxaas waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa lahaa Al-Shabaab”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida Saraakiishaani aysan niyad jabin doonin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Tilmaamay Mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Howlgalka Dalka.looga xureynayo Al-Shabaab.