Odayaasha Koonfur Galbeed Oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Doorashada

0

Iyada oo  maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kullan ay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeen khudbadahooda ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed waxaa ay shegeen inay haboontahay in doorashada dib loo dhigo.

Xaaladda magaalada Baydhabo oo maalamahan ba kacsaneyd kadib markii dowladda Federaalka ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Robow oo kamid ah musharixiinta doorashada ayaa odayaasha dhaqanka waxaa ay sidoo kale sheegeen in jawiga hada uusan aheyn mid sahlaya in doorasho la qabto.

”Intii jawi degan laga helayo, dadka na laga la hadlayo oo xaaladda ay ka degeyso waxaan ugu baaqnay guddiga doorashaeda iyo ku-simaha madaxweynaha in dib loo dhigo doorashada”. Sidaasi waxaa yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah odayaasha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay faraha kala baxdo doorashada, si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kullanka maanta ay musharixiinta ku jeediyeen khudbadaha ayaa waxaan ka qeyb qeybgelin  Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharaxiinta doorashadaasi kaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.