Al-Shabaab oo xalay weeraray Hoyga Wadaad caan ka ahaa Sh.Dhexe

0

Koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha  Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday guriga Sheekh Thaabit oo ka mid ah culimada ku dhaqan dagmada jowhar ee Gobolka  shabeelaha dhexe.

Wadaadka gurigiisa la weeraray ayaa la sheegay iney u yeereen Al-shabaab waxaana loo heystay siyaaro uu u qabanayay allaha u naxariistee Sheekh horay u dhintay oo lagu magacaabayay Sheekh Ooyaaye kana mid ahaa wadaada ay aadka u karaameyn jireen bulshada iyo dacwad la sheegay in Sheekha loo heystay, taas oo ka dhalatay dhul beereed ay u xukuntay maxkamada dagmada jowhar.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay iney rasaaseeyeen guriga, taas oo dhalisay inuu ku dhinto wiil uu dhalay Sheekha oo lagu magacaabayay muxyadiin sheikh thaabit halka sheikhana uu ku dhaawacmay.

Dadka dagan xaafada Buulo Sheekh oo ah halka uu ku yaalay guriga sheikha la weeraray ayaa sheegay in shalay ay dhamaatay siyaaro lagu xusayay Sheekh Ooyaaye oo uu qabtay sheikhan.