SAWIRRO:-Wararkii U Dambeeyay Ee Doorashada Koonfur Galbeed Iyo Xaalka Musharaxiinta

0

Doorashadda Konfur Galbeed iyo xaaladda MagaaladdaBaydhabo.

Magaaladda Baydhabo waxaa maanta loo xadirsan yahay Doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin ilaa iyo Shan Musharrax oo kala ah .

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.
2-Siid Axmed sheekh Daahir
3-Xuseen Cusmaan Xuseen
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor
5-Ibrahim Macalin Nuurow.

Dhamaan Musharraxiinta waxa ay hadda xaadir ku yihiin Xarunta Madaxtooyadda Konfur galbeed, oo ay ka dhacayso doorashadda.

Dhanka xaaladda guudna waxaa saaka aad loo adkeeyay Amaankeeda Magaaladda Baydhabo, majiro wax dhaq dhaqaaq Gadiid ah, waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsiga dad waynaha.

Magaaladda waxaa lagu daadiyay ciidan kala duwan oo ah Booliis iyo Milatari, waxa ayna aad u ilaalinayaan dhamaan xaaladda Magaaladda oo maalmihii lasoo dhaafay ay hareeyeen dibad baxyo rabshado watay.

Magaaladda Baydhabo waa ku wareegaan dhamaan hareeraheeda ciidanka Aminsom Ethiopia oo kor kala socda dhaq dhaqaaqa guud ee Magaaladda Baydhabo cida soo galaysa iyo cidda ka baxaysa.