AKHRISO:- Guddoomiye Tuulax Oo Shaaciyay Tirada Askartii Uga Dhimatay Qaraxyadii Maanta

0

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax aya ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Tuulax ayaa tacsi u diray dhamman Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii maanta,halka kuwa ku dhaawacmay uu Alle uga baryay in Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Waxa uu sheegay in uu uu cafimaad qabo Isaga,isla markaana uu aad u wanaagsan yahay.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Maxamed Tuulax ayaa tilmaamay in Qaraxii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka ay uga geeriyoodeen 7 kamid ah askartii ilaalada u aheyd iyo darawalkii waday Gaariga ay saarnaayeen,wuxuuna Alle uga baryay in uu u Naraxiisato iyo guud ahaan ciidankii Madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay inay sii labada jibaari doonaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab,waxaana uu tacsi u diray bahda tvga Universal ee uu ka baxay Wariye Cawil Daahir salaad iyo intii la socotay,kuwaasi oo geeriyooday Qaraxii koowaad ee Maanta ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka.