DHAGEYSO:-Taliska Booliska Baladweyne Oo Amaro Soo Saaray

0

Taliska Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay soo saareen Amaro ku socda Gaadiidka Muraayadaha Madow leh ee ka Shaqeeya gudaha Magalada Baladweyne iyo Mooto Bajaajta.

Taliyaha Saldhiga Baladweyne Booliska  Gaashaanle dhexe  Maxamed Macow oo Warbaahinta la hadlay sheegay in Darawaliinta ka Shaqeeya Magalada Baladweyne laga doonayo in Gawaarida ay wataan ee Muraayadaha Madow leh ay ka fujiyaan.

Waxa uu darawalada uga digay inay sii wataan Gawaaridaaas oo uu sheegay inay ku dhex dhuumanayaan dad lidi ku ah amniga,isla markaana cidii lagu arkaa tallaabo laga qaadi doono.