Taliye ku xigeenka Xarunta Hay’adda Dambi-baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bishaar Abshir Geedo ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Ragg Sameeynayay Documentiyo been abuur ah iyo Qalab.
Waxa uu Taliyaha sheegay in Ragg la soo bandhigay laga soo qabtay Suuaq Baakaraha gaar ahaan Cabdulle-Shideeye,kuwaasi oo sameeyn jiray Documentiyo been abuur ah.
Taliye ku xigeenka Xarunta Hay’adda Dambi-baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in iyaga oo kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Ruux sameeystay Documentiyo been abuur ah oo doonayay in uu kaga dhoofo garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu sheegay Bishaar Abshir Geedo in Rgga la soo qabtay ay ku howlanaayeen sameeynta Documentiyo been abuur ah oo isugu jiray Warqadaha kasoo baxa Xafiisyada dowlada iyo Jamaacadaha dalka ku yaalla.