Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa waxa uu ka hadlay dagaal laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay (Dabageed) in uu dhaqanka beelaha dagaalamay uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi,isla markaana xal laga gaaro dagaalkii dhexmaray laba beelood ee xoolo dhaqato ah.