Xildhibaan Khadiija Kuweyd oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland oo ku sugan Magalada Muqdisho ayaa sheegtay inay Magalada Kismaayo igasoo carartay dhibaatooyin ay kala kulantay Madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waxa ay sheegtay in Dastuurka Maamulka Jubbaland la hareermaray,isla markaana habka loo dhisay Maamulka Jubbaland uu yahay mid qaldan oo dadka qaarkood lagu xaqiray.