Al-Shabaab ayaa la sheegay inay go’doomiyeen magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo laga deyriyay xaalada ka jirta magaaladaas.
Senator Axmed Macalin Cumar (Axmed Nadiir) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hareen dhammaan waddooyinka magaalada Marka, isla markaana dadka shacabka ay la soo deristay dhibaatooyin badan.
Waxaa uu sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay heysato shacabka degmada Marka, isagoo ka dhawaajiyay in wadada xeebta iyo mida ka timaada Afgooye ay go’an yihiin.
Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa la wareegay ammaanka magaalada Marka, kaddib markii ay ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyo beeleedyadii isku hayay magaalada, waxaana deegaano u dhow Marka ay ciidamada milateriga kula dagaalameen Al-Shabaab.