DHAGEYSO:-Golaha wasiirada hogaamiyaha jubbaland oo lagu ansixiyey miisaaniyadda uu markale talada kula wareegayo

0

Golaha wasiiradda hogaamiyaha jubbaland axmed madoobe ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2019 oo weli aan la gaadhin taasi oo ka dhigan in uu axmed madoobe doonayo talada maamulka shacabka dhibaatada ku hayo in ku celiyo mid cusub.

Golaha wasiirada maamulkiisa ayaa noqday kuwo maqla kaliga hogaamiyaha jubbaland mana jirto meel wax loogu qabtay miisaaniyadda la ansixiyay taasi oo ay sii dheer tahay in qaar ka mid ah xildhibanada uu afduubka ku haystay ay ka baxsadaan deeganada jubbaland.

Waxay Ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2019ka taas oo dhan 24,233,844.52 Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi miisaaniyadan ayaa waxaa ay ka kala imanaysaa dhamaan ilaha dakhliga kala duwan iyadoo ay golahu si rasmi ah u meel mariyeen dhawaana la horgayn doono Golaha shacabka ee xooga lagu haysto si ay u Ansixiyaan.

Hoos ka dhageyso codka ansixinta miisaaniyda iyo qaabka loo dhigay.