Guddoomiyaha Golaha Shacbaka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu dalka soo maray marxalad adag oo mudneyd in laga gudbo.
Waxa uu sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay taas oo ay dareemeen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo dibada,isla markaana taasi cashar laga bartay.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in markii la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhacay.