Gudoomiyaha wasaarada Waxbarashada ee gobolka Mudug Mudane Axmed Huruuse Xaashi ayaa sheegay in dhawaan uu warqad u qoray Madaxweynaha Puntlanad Madane C/wali Maxamed Cali Gaas.
Gudoomiyaha ayaa warqoraal ah oo soo dhigay Facbookiiga wuxuu ku sheegay in Xeryihii dawladii hore ee Soomaaliya la gadayo isla markaana lagu dhisayo Dekeda Garacad ee gobolka Mudug wuxuuna sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka codsaday in Dhul iskuul looga iibiyo Wasaarada Waxbarshada iyo tacliinta Sare ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha wasaarada Waxbarashada ee gobolka Mudug ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in lagu wargaliyey In Bur-burin lagu samaynayo Dugsigii Farsamada Gacanta ee degmada Gaalkacyo kaasoo aan sidaas uga fogayn xerada Kabida ee degmada Gaalkacyo.
Warkii qoraalka ahaa ee gudoomiyaha gobolka Mudug soo dhigay Facabooka ayaa sidan u qornaa.
Wasaaradda waxbarashadda iyo Gudoonka waxbarashada Gobolkuba waxay codsi u qorteen Madaxweyhaha Puntland si labaa xero looga bixiyo dhul iskuulo ah, Madaxweynuhuna waa aqbaly warqadna wuu soo qoray, waxaana u qaybinay dhamaan cidday qusaysay sida Gudoomihay gobolka, degmadda, Gudiga dekedda Garacad. Waxaa wax aad looga naxo ah in dhul in lahelo daaye maanta layirri waxaa la burburinayaa iskuulkii farsamadda gacanta ee Gaalkacyo oo ah iskuul dawli ah, Qalabka yaalna uusan jirin meel kale oo uu yaal puntland.
Waxaan dhamaan ogaysiinaynaa bulshada Galkacyo in fariintaan aan dirayo tahay mid masuuladayda ku gudanayo, oo hadii dugsigaas la burburiyo aan geed dheer iyo mid gaaban u fuulnay sidii lagu badbaadin lahaa.
Qof walba wuxuu og yahay sanad dugsiyeedka 2018/19 wixii ka dhacay dugsiga OSSS cariiri iyo isbuurashada, maantay oo la rabay in ardaydaas hesho dugsiyo kale, waa nasiib daro in aabayaashood iyo aqoon yahankoodu uu san dareensanay baahida loo qabo in lahelo dhul iskuul lagadhigo.
Lagana yaabee in hadhaw ay soo baxdo iskuulo si gaar ah loo leeyahay in laga baxsho xeryahaas.