Abukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalaadda XFS ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.
Ugu horreyn labada Ma’suul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasiirka Cadaalladda Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi .
Waxuuna xusay in ay ka wada arrinsadeen arrimo ay ka mid tahay dib u dhiska hay’adaha Garsoorka dalka.