War Saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa markale lagu iclaamiyay in deegaanada puntland aysan soo geli karin Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay, in aan waxba laga beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya ay soo galaan Puntland mudada lagu jiro doorashada.