AKHRISO:- Wakiilkii QM Oo Warbixin Ka Gudbiyay Xaalada Soomaaliya

0

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu Soomaaliya yimid 3-dii October ayna si Wanaagsan u soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo katrisan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato.

Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu.

Wuxuu ku ammaaay xafiiska Raysul Wasaaraha dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna kamid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Arrimaha asaasiga ah ee dib u dhiska dalka ayuu ku sheegay in ay kamid yihiin, arrimaha doorashooyinka, dib u eegiska dastuurka, hirgalinta federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Iyadoo ay jiraan isbaddalladaas wanaagsan ayuu sheegay in ismariwaaga u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka uu curyaaminayo in la garto nooca federaal ee uu dalku qaadanayo iyo hirgalinta qorshaha dhisidda ciidan qaran.