Dowladda Somalia oo Sare U Qaadeysa Badeecadaha Loo Dhoofiyo Dalka Dibaddiisa

0

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan cusub ee 2019-ka wasaaraddu ay qaban doonto shaqada ugu ballaaran ee dhoofinta badeecadaha dalka.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in badeecadaha dibadda uga yimaada Somalia la yareyn doono, islamarkaana sare loo qaadayo wax soo saarka dalka ee dibadda loo dhoofiyo.

Sidoo kale wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS ayaa ugu baaqay ganasatada in ay maal-gashadaan dalkooda, ugana faa’iideeyaan dadkooda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal kala duwan oo lagu horumarinayo dhinaca maalgashiga iyo dib u dhiska dalka.