Xoghayaha Gaashaandhigga Britain Gavin Williamson oo booqday Muqdisho iyo Hargeysa

0

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain Gavin Williamson ayaa booqasho ku tegey caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Gavin Willamson ayaa booqashada uu ku tegey caasimada dalka ee Muqdisho waxa uu garoonka diyaaradaha kula kulmay diblumaasiyiinta u joogta dalka Britain wadanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Britain ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu Xoghayaha Gashaandhiga Britain Gavin Willamson uu booqasho ku tagey  magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.

Wafdiga uu horkacayay Xoghayaha Gaashaandhiga Britain Gavin Willamson ayaa la kulmay Madaxweynaha maamulka Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi.

Booqashada uu Xoghayaha Gaashaandhiga Britain ku tagey magaalada Hargeysa ayaa noqonaysa safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaaca Britain uu ku tago magaalada Hargeysa tan iyo markii uu maamulkaas ku dhowaaqay in uu ka go’ay dalka Soomaaliya.

Lama oga ujeedka uu Xoghayaha Gaashaandhiga Britain uu ku tegey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa balse waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo dhowaan dowlada Soomaaliya ay eriday ergeygii Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya.