Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kulankan waxaa diirada lagu saaray sidii Hogaamiyuhu uu u dhagaysan lahaa baahiyaha deegaanka ka jira iyo qaabkii wax looga qaban lahaa iyo hirgalinta mashaariic loogu tala galay deegaanka waxaa kale oo kulanka la iskula soo qaaday sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Maamulka Degmada.
Dhinaca kale Odayaasha dhaqanku waxay balan qaadeen in ay garab taagan yihiin aragtida Dowlada Jubbaland ee dib u xoraynta wadanka gaar ahaan Gobolka Jubbada Dhexe iyo isku furista deegaanada xorta ah ee Gobolka Jubbada hoose.