AKHRISO:- Ingiriiska oo Qorsheynaya inuu Saldhig Milatari ka furto magaalada Berbera

0

Dowlada Ingiriiska ayaa qorsheyneysa inuu saldhig Milatari uu ka furto deegaan ka mid ah Maamul goboleedka Somaliland.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii Xoghayaha gaashaandhigga UK Gavin Williamson uu Isniintii booqasho ku tegey magaalada Hargeysa lana kulmay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kadib Booqasho uu ku tagay Magaalada Hargeeysa.

Hore ayaa Dowladaha Ruushka iyo Imaaraadka Carabta waxa ay u sheegeen in ay saldhig militari uga hesho Somaliland, sida uu daabacay Wargeyskla Daily Nation ee ka soo baxa wadanka Kenya.

Xafiiska Soomaaliland ay ku leedahay magaaladda Nairobi ayaan xaqiijin, in Ingriisku uu Soomaaliland ka raadinayo Saldhig militari. Balse,madaxa Xafiiska Cumar Baashe ayaa waxaa uu sheegay in Somalialnd ay u riyaaqday booqashadda Williamson waxaana uuna hadalkiisa ku daray in uu ka caawin doono helista aqoonsi caalami ah.

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain ayaa sheegay kahor inta uusan booqasho ku iman dalka Soomaaliya in Dowladda ingiriisku ay saldhigo militari dunida ka raadineeyso marka ay isaga baxdo Midowga Europe.

Bishii April ee Sanadkii hore ayaa Dowladda Ruushku waxay ku dhawaaqday in ay Saldhig military ka sameysaneeyso magaalo xeebeedka Seylac, Soomaaliland.

Sidoo kale Imaaraadka carabta ayaa Sanadkii hore waxaa Magaaladda Berbera ka sameeystay Saldhig military, kaasi oo aysan soo dhaweeyn Dowladda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee dowlada Ingiriiska ayaa ciidamo ka jooga dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.