Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa xaqiijiyay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya in ay ka hor istaageen Xisbiga Miduwga Nabadda iyo Hormarka ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Siminaar ay ku qabsan lahaayeen mid ka mid ah hoteelada ku yaalla Baydhabo.
Siminaarkaan ayaa dhici lahaa gelinka dambe ee maanta waxaana xubnaha Xisbigu ay sheegeen in lagu wargeliyay in ay baajiyaan badhigaas tababarka ahaa,kadib markii ay la soo xiriireen Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo masuuliyiin kale iyaga oo ku wargeliyay in ay dib u dhigaan tababarka ay qabanayaan.
Xubnaha Xisbiga ayaa sheegay in lagu wargeliyay in amniga Magaaladu aanu fiicneyn loona bahanyahay in la xaqiijiyo madaama uu cusubyahay Madaxweynaha Koonfur galbeed Caleema-saarkiisana uu dhimanyahay.