Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Armando Lindhout oo muddo 460 malamood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008-dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii iyada afduubtay.
Armando Lindhout iyo Sawir-qaade Nigel Brennan waxaa laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho sannadkii 2008-dii, waxaana la sii daayey markii Kooxdii afduubatay la siiyey lacag madax-furasho oo dhamayd hal million oo Dollar.
Wareysi ay siisay Wargeyska Toddobaadlaha ee Dateline Weekly Newsletter waxay ku sheegtay markii iyada madax-furasho lagu sii daayey, kuna soo laabatay Kanada inay Farriin Facebook ah ka heshay mid ka mid ah dadkii afduubtay, kaasi oo u soo qoray Erayga “Hello” oo keliya.