DHAGEYSO:-Dowladda Somaliya oo Dacwad ka gudbisay Markab si sharci darro ah uga Kaluumeysanayay biyaha Somaliya

0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa ka hadlay Markab si sharci daro ah uga Kaluumeystay biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay dacwad ka gudbiyeen.

Wasiir Bidhaan ayaa sheegay inay heleen xogta la xiriirta Markabkan oo la soo xaqiijiyay inuu sifo aan sharci aheyn uga Kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya, isagoo aan wax fasax ah weydiisan dowladda Somaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa tilmaamay inay wargeliyeen Dekedaha deriska la ah Somaliya ayna u sheegeen inaanu waxba dejin Markabkan hadii uu ku soo xirto Dekedohooda.