Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeellle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshababeelle,halkaasi oo maalmahaan uu ka maqnaa.
Cali Guudlaawe ayaa markii uu gaaray Jowhar waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle,Xildhibaano,maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe,Guddoomiyaha Degmada Jowhar iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeellle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabeelle.