Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska dalkaasi ka codsadeen dadweynaha inay taageero ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa 6 nin oo Kenyan ah, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Al-Shabaab Talaadadii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi.
Boliska Kenya waxay sheegeen in ragga ay baadi-goobayaan lagu kala magacaabo:
1- Didu Maxamed Fujija “Duktur”,
2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”
3- Qadaafi Munene,
4- Cabdi Cali Kanjora,
5- Boru Cabdi Bidu
6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.
Dhinaca kale, Wargeyska The Standard waxa u uka soo xigtay Boliska dalkaasi in raggaasi oo ka soo jeeda magaalladda isiyoolo la sheegay inay Al-Shabaab ku biireen labo sanno ka hor, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya.