Ciidamada amniga ayaa xalay Howlgal lagu sugayo amniga ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciidanka Booliiska ayaa howlgalada si gaar ah kaga fuliyay Degmooyinka Hodan, Wadajir, Xamar Weyne iyo Warta Nabadda.
Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab qabtay Dhalinyaro tiradooda ay gaareyso 30 qof oo ku kala eedeysan dambiyo kala duwan.
Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dadka la soo qabtay inay isugu jiraan xubno loo heysto ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab iyo qaar kale oo lagu eedeynayo inay dhac u geysteen dad shacab ah.
“Waxaa hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo dambiyo kala duwan loo heysto, sharciga ayaa la horgeyn doonaa dhammaan, waxaan mar walba u taaganahay inaan ka hortagno dhibaatooyinka ku wajahan shacabka”. ayay tiri Gen. Zakiya.