SAWIRRO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Angola Uga Qayb Galay Shirka Golaha Sare ee Garsoorka Afrika

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qayb galaya shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka  tahay.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola, H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç, ayaa furay shirkaan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socota  garsoorka wadamada qaaradda  Afrika.

Shirka oo shalay furmay maantana soo xirmaya ayaa looga hadlay dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka.